Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: 21,801 oo arday oo u fariistay imtixaanka shahaadiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_17166203705916143.jpg?resize=720%

Arday gaaraysa 21,801 oo isugu jira fasalka 12-aad iyo fasalka 8-aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ayaa maanta oo sabti ah u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ka daahfuray imtixaanka shahaadiga ah, iyada oo sannadkana ay ardaydu imtixaanka ku geleyaan xarumaha jaamacadaha.

Waxaa jirtay arday ka cabanaysay in laga joojiyey gelitaanka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, waxaana maalin ka hor arrintaas go’aan ka soo saartay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Wasaaradda ayaa go’aamisay in ardaydaasi aysan ka qaybgalin imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2023 – 2024, iyo in ay dhameystirtaan waxbarashada sanad dugsiyeedka 2024-2025.

FB_IMG_17166203870131119.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203911077132.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203891099053.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203932045388.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203974493235.jpg?resize=720% FB_IMG_17166204015304445.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203954352185.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203750032071.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203891099053-1.jpg?resize=72 FB_IMG_17166203994357133.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203820283000.jpg?resize=720% FB_IMG_17166203847005712.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Puntland: 21,801 oo arday oo u fariistay imtixaanka shahaadiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this