Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Deni oo weerar ku qaaday madax goboleedyada xilli uu socdo qorshe culus

Recommended Posts

Deeq A.   
Madax-goboleedyada.jpg?fit=1920%2C1080&s

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo dhowaan ka hadlay magaalada Garoowe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ooh adda la rumeysan yahay inuu khilaaf kala dhaxeyeo.

Saciid Deni ayaa saaxiibadiisii hore ku eedeeyey madaxda dawlad goboleedyada koonfurta in ay doonayaan waqti kororsi ay xafiiska ku sii joogaan, kaas oo ay kala shaqaynayso dawladda federaalka Soomaaliya.

“State hebel markaan doorasho ma galayee hal sano ayaan siiyey, labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellayaa, waxay la micno tahay, sharciyadda oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa uu sheegay inaan xoog laysku muquunin karin taas badalkeeda Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi iyo in ay cadayso waxa ay diidan tahay.

“La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu madaxweynaha ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xiritaankii shirka jiheynta xukuumadda fowladda Puntland.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa,“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Puntland.

Puntland ayaa ka qaybgalin shirarka golaha wadatashiga qaran, waxayna sheegtay inay diidan tahay wax ka badelka dastuurka iyo siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dawladda federaalka ay ku celcelinayaan inaan loo joojinayn taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

 

 

 

The post Daawo: Deni oo weerar ku qaaday madax goboleedyada xilli uu socdo qorshe culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this