Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida Manchester oo kaalin muuqata ka gashay bulshooyinka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaanso-Council-Manshester-1.jpeg?fit=740

Manchester (Caasimada Online) – Magaalada Manchester ee boqortooyada Ingiriiska oo Soomaalida badan ay ku nool yihiin ayaa lagu amaanay inay kamid yihiin bulshooyinka ka shaqeeya nabadda iyo ka hortaga dambiyada ay ka midka yihiin dilalka iyo daroogada.

Marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee Ingiriiska sida London iyo magaalooyinka kale, Soomaalida ku nool Manchester aad ayey ugu yar yihiin dhalinyaradooda isu geysta ama dadka kale u geysta dilalka iyo daroogada.

Ugaas Cali Cabddulle Qaanso oo ka mid ah waxgaradka magaalada Manchester ayaa aaminsan in taasi ay ku timid dadaalka iyo wacyagelinta ay sameeyeen iyo in dhalinyarada Soomaalida loogu yeero farida wanaaga iyo diinta Alle.  

Mas’uuliyiin ka tirsan golaha deegaanka magaalada Manchester ee Boqortooyada UK ayaa abaal marin iyo soo dhoweyn lagu weyneynayo dhaqanka Soomaalida ay u sameeyeen Cali Cabdulle Qaanso (Ugaas Cali) oo mudo 20 sano ah usoo khidmeynayay Soomaalida Manchester.

Nabaddoon Ugaas Cali ayaa hoyga golaha looga arrimiyo Manchester loogu qabtay xaflad, halkaasi oo lagu guddoon siiyay haddiyado ay ka mid yihiin dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida caanka ku tahay iyo abaal marino kale.

Waxaana loogu mahad celiyay sida uu mudada 20-ka sano ugu shaqeynayay isku xirka bulshada Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka iyo weliba bulshooyinka kale ee Manchester ku nool.

Dhinaca kale, waxaa bisha July guud ahaan UK ka qabsoomi doonta doorashada Ra’iisul wasaaraha iyadoo xisbiyada Conservative-ka iyo Lebour Party ay ku dagaalamayaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Ugaas Cali ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay codkooda ka taxadiran ciddii ay siin lahaayeen kana fiirsadaan cidda u roon iyo kan u daran.

Qaanso-Council-Manshester-1.jpeg?resize= Qaanso-Council-Manshester-2.jpg?resize=6 Qaanso-Council-Manshester-3.jpg?resize=6 Qaanso-Council-Manshester-4.jpeg?resize=

The post Soomaalida Manchester oo kaalin muuqata ka gashay bulshooyinka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this