Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay aqoonsiga uu bixiyay Golaha Ammaanka QM ee ay diideen 19 dal?

Recommended Posts

Deeq A.   
UN-scaled.jpg?fit=2560%2C1706&ssl=1

New York (Caasimada Online) – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiista 11-ka July u aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee Milicsiga iyo Xuska Xasuuqii Srebrenica ee 1995, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8,372 qof oo Muslimiin Bosniyaan ah, ayna ka dhashen burburka iyo barakaca kumanaan kale.

“Ansixinta qaraarkan, ayaa Goluhu wuxuu sidoo kale ka codsaday Xoghayaha Guud inuu sameeyo barnaamij wacyigelin ah oo ku saabsan xasuuqii Srebrenica si loogu diyaargaroobo sannad-guurada soddonaad ee xasuuqaas sanadka soo socda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay QM.

Golah loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale wuxuu kaloo cambaareeyay “diidma kasta oo loo diido xasuuqii Srebrenica oo ah dhacdo taariikhi ah”.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah inay ilaashadaan xaqiiqooyinka la aas-aasay, oo ay ku jiraan nidaamkooda waxbarasho, si looga hortago diidmada iyo qallooca, iyo inay ka hortagaan xasuuq kasta oo mustaqbalka dhaca.’

Qoraalkan oo ay soo diyaariyeen Jarmalka iyo Rwanda, ayaa waxaa codkooda ku taageeray 84 dal, halka ay diideen 19 dal, ayna ka aamuseen 68 dal.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay xasuuqii Srebrenica ayaa astaan u ahaa mid kamid ah cutubyadii ugu madoobaa ee dagaalka ka dhashay kala jabkii Yugoslavia hore.

Bishii July 1995, ciidamada Serbian ee Bosnia ayaa ku duulay Srebrenica, oo Golaha Ammaanku uu hore ugu dhawaaqay aag nabdoon, waxay “si arxan darro ah” ugu dileen kumanaan rag iyo dhalinyaro ah halkaas, waxayna ka saareen magaalada 20,000 oo qof.

Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada iyo sidoo kale maxkamada caalamiga ah ee danbiyada caalamiga ah ee Yugoslavia hore ayaa u aqoonsatay fal xasuuq ah oo ciidamada jamhuuriyada Srpska ay ku dileen muslimiinta Bosnia ee Srebrenica.

The post Muxuu yahay aqoonsiga uu bixiyay Golaha Ammaanka QM ee ay diideen 19 dal? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this