Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo mar kale ku dhacday godkii fadeexadda – Muxuu sameeyay Xasan?

Recommended Posts

Deeq A.   
350102716_777034380495805_64361108249818

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan inay iskaga harto tartanka ay ugu jirto xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirkii hore arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo muddo sanad ah olole ugu jirtay kursigan ayaa sida illo xogogaal sheegayaan waxaa dhawaan u yeeray madaxweynaha oo ay wehliyaan ra’iisul wasaaraha iyo xubno kamid ah golaha wadatashiga qaran, waxayna ka codsadeen in tartanka ka harto.

Dadka xogtaan nala wadaagay waxa ay sheegeen in keliya lagu yiri codka Soomaaliya waxaa ka ballan-qaadnay Ismaaciil Cumar Geele, maadaama uu xilkaan u sharaxan yahay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Xilliga loo sheegay in aanu qarankeedu taageerayna ahaa niyad jab weyn ku ah Xildhibaan Fowsiya. Waxaa la sheegay inay aad u dooday oo ay sheegtay inay shaqo badan soo qabatay, dalal badan tagtay, ballan-qaadyo haysato, Wasaaradda arrimaha dibadda ay meelo badan olole uga sameysay, laakiin waxaas oo dhan waxba kama beddelin go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ee ah inuu musharaxa Jabuuti siinayo codka Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin.

Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah.

Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay.

Waxaa la sheegay inay Xildhibaannad Fowsiya madaxda sare ku tiri waqti isiiya aan kusoo fikiro, iyada oo malaha rajeynaysa in la helo cid bedeli karta go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kenya ayaa sidoo kale tartanka ku jirta oo waxaana u sharaxan ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga.

Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Laakiin hadda in Fowsiya laga raaco Jabuuti ma jirto wax dan qaran ah oo lagu beddeshay, marka laga reebo saameynta shaqsiga ah ee Ismaaciil Cumar Geele uu ku leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh.

The post Soomaaliya oo mar kale ku dhacday godkii fadeexadda – Muxuu sameeyay Xasan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this