Sign in to follow this  
Deeq A.

Badda Soomaaliya oo maanta qaaday 7 carruur ah iyo xaalad adag oo jirta

Recommended Posts

Deeq A.   
Liido.jpg?fit=1280%2C960&ssl=1

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxay maanta baddu qaaday 7 carruur ah, sida ay Caasimada Online masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas iyo qaar ka mid ah ehellada carruurta baddu qaaday.

Sida aan xogta ku helnay laba ka mid ah carruurta ayaa la sheegay in lasoo badbaadiyay maanta, halka mid kalana maykiisa laga soo saaray badda.

Hadda waxaa maqan 4 ka mid ah carruurtii baddu qaaday, waxaana lagu guul-dareystay dadaallo la sameeyey maanta oo lagu soo badbaadinayey carruurta.

Labada wiil ee laga soo badbaadiyey badda ayaa ku jira xaalad caafimaad oo liidata, waxaana lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose.

Maamulka degmada, dhalinyarada iyo kalluumeysatada magaalada Marka ayaa ilaa hadda wada dadaallo ay ku baadi goobayaan carruurta 4-ta ah ee weli ku maqan badda.

Jimcihii maanta oo carruurtu ay fasaxa ka aheyd goobaha waxbarashada ayay adeen badda, sida ay ehellada carruurtaasi u sheegeen Caasimada Online, kadibna waxaa qabsatay xaalad adag, kadib markii mowjado duufaan ah ay kaceen.

Carruurta weli ku maqan badda labo ka mid ah ayaa walaalo ah, dadka ka shaqeeya badaha, gaar ahaan xeebaha koonfureed ee Soomaaliya, ayaa sheegay in marka la gaaro bishaan 5-aad ee sanad kasta ay baddku kacdo, isla markaana aan lagu dhiiran in la galo badda.

Toddobaadkii dhamaaday hay’adda Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in laga cabsi qabo in magaalooyinka koonfurta dalka ee saaran xeebta ay ku soo fool-leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Laly, taas oo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.

The post Badda Soomaaliya oo maanta qaaday 7 carruur ah iyo xaalad adag oo jirta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this