Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Booliska oo go’aan adag ka soo saaray dadka baraha bulshada…

Recommended Posts

Deeq A.   
Booliska.jpg?fit=720%2C480&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay xarigga iyo tallaabooyin ay ka qaadeen dadkii baraha bulshada ka caayi jiray bulshada, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay maalmihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa sheegay in qof dambe aysan ka ogolaa doonin in baraha bulshada uu dadka ka aflagaadeeyo, isagoo cadeeyey in qof kasta hadii uu sheego cadeyntiisa la weydii doono.

Taliye Firin ayaa sheegay in shaqada booliska ay tahay ilaalinta sharciga iyo sharafka bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in waajibka saaran ay guda doonaan.

“Baraha bulshada waa ku soo badatay dhalinyaro si qaldan u isticmaasha oo aflagaadeysa dadka kale, ciidanka booliska masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta sharafta dadka laga caayo baraha bulshada,” ayuu yiri Taliyaha guud ee booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii qof kasta oo muwaadin ah uu dalkiisa ugu heysan lahaa xorriyad iyo sharaf, intaas lagu cayaarana aysan qofna ka yeeli doonin ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Dalku wuxuu leeyahay shuruuc iyo kala dambeyn, wixii ka baxsan wixii qofka sharcigu u ogolyahay, waxaa naga go’an inaan ku qabsano, maadaama waajibka na saaran uu yahay ilaalinta sharciga, qof kasta oo xadkiisa soo dhaafa waxaa la weydii doonaa cadeynta waxyaabaha uu ka hadlay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa sheegay inay ka hortegayaa in qofka wax aflagaadeeyey iyo qofka la aflagaadeeyey inta aysan is gaarin ay boolisku ku soo bixi doonaan wixii dhacay, taas oo fududey doonta in qofkii qalad gala sharciga lala tiigsado.

“Qofkii lasoo xiro, waxaan weydii doonaa wixii uu ku hadlay cadeymaha uu u haayo, cid aan dhibaato u geysa doono ma jirto, qof kasta waxaan ka rabnaa in xaqa muwaadinka kale uu ilaaliyo,” ayuu yiri taliyaha ee farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa cabsiga lagu guray dhalinyaro u badan reer Muqdisho, odayaal iyo haween ka soo muuqday baraha bulshada, iyagoo aflagaadeynaya dad kale, qaarkood ayaa lagu heystaa hadalo ka dhan ah dowladda iyo qabiillada qaar.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Booliska oo go’aan adag ka soo saaray dadka baraha bulshada… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this