Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Denmark oo Dowladdooda Ugu Baaqay Iney Qaadato Go’aanka Aqoonsiga Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan isbahaysiga “Red green alliance” oo ay ku mideysanyihiin qaar kamida Xisbiyada mucaaradka dalka Denmark ayaa dowladda ku booriyay inay qaaddo tillaabo lamid ah tii ay horey u qaadeen Norway,Spain iyo Ireland oo ay badesho mowqifkeeda ku aadan Falastiin.

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Trine Berto Mach ayaa wargeys dalkaas ka soo baxa u sheegay in xisbiyada Denmark ay u codeyn doonaan aqoonsiga dawladda Falastiin.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda Denmark Lars Løkke Rasmussen ayaa ka soo horjeestay arrintaas, asagoo ku tilmaamay mid aan jeerkan suurta-gal ahayn.

Lars Løkke ayaa yiri “Si aad dowlad u noqoto, waa inaad haysataa dhul aad maamusho iyo maamul awood u leh inay wax maareeyaan,taasina ma ahan mid xilligaan Falastiin ka jirta.”

Si kastaba ha ahaatee Afhayeenka isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu heli karo nabad waarta ay tahay dariiqa siyaasadeed, wuxuuna intaa ku daray in hadii ay Denmark Falastiin u aqoonsato dal madax-bannaan ay labada dhinac u noqan doonto faa’iido wax ku ool ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this