Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha dagaal ee Muuse Biixi uu wado muxuu ka tari karaa fashilkii Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi-1.jpeg?fit=2048%2C1398&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyaha muddo xileedka ka dhamaaday ee Somaliland ayaa la warinayaa inuu qorsheynayo dagaal labaad oo uu ku qaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Duullaankii hore ee magaalada Laascaanood wuxuu Muuse u leeyahay khasaare maamul iyo faa’iido shaqsiyadeed.

Muuse wuxuu duullaankii hore ku lumiyay hubkii ugu badnaa ee maamulka, ciidan badan ayaa illaa hadda maxbuus ahaan looga haysta, askar badana waa looga dilay, laakiin isagu shaqsiyan duullaankii hore wuxuu ka faa’iiday labo sano oo muddo kororsi ah.

Waa dhaqan soo jireen ah oo ay caan ku yihiin madaxda xukunka jecel inay xiisad abuuraan si ay xukunka usii joogaan. Markale Muuse Biixi wuxuu isku sharaxay xukunka maamulka Somaliland doorashada dhici doonta bisha November ee sanadkaan.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa ka jira gobolka Sool, hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye wuxuu sheegay inay hayaan xogta ah inuu Muuse Biixi duullaan kale soo wado, wuxuuna intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

Haddii uu duullaankii hore Muuse Biixi u dhalay muddo kororsi, duullaankan cusubna waxaa la fahamsan yahay inuu Muuse ka dhex raadinayo dib u doorasho.

Inkasta oo aan la ogeyn inay dadka reer Somaliland abaalmarinayaan hoggaamiye colaad ku suntan, haddana Muuse Biixi iyo kooxdiisa waxay rumeysan yihiin in haddii la abuuro colaad kale inay curaneyso baahi la xiriirta in mudnaanta doorashada soo socota la siiyo hoggaamiye ku haboon gaashaandhiga oo maamulka difaaci kara, halkaasna uu Muuse kaga adkaan karo Ciro iyo Faysal oo dhinaca dagaalka uu kaga fir-fircoon yahay.

Laakiin dhinaca kale, dagaalkii hore waxay Somaliland ku lumisay oo sii fogaatay rejadii ictiraafka, inay dagaal kale galaana waxay leedahay qiimo kale oo si weyn usii wiiqi karta macnihii maamulkan.

Waxaana dadka reer Somaliland hortaalla inay fahmaan in duullaanka soo socda uu la xiriiro dib u doorasho.

The post Qorshaha dagaal ee Muuse Biixi uu wado muxuu ka tari karaa fashilkii Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this