Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan La Qaatay Madaxweynahana Jubbaland Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) .

Labada masuul ayaa iska xaal wareysteen xaaladaha guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka daadadka soo noqnoqday ee roobabka ka dhasha ay u geystaan Shacabka degan dhulka wabiyada ku teedsan iyo meelaha xeebaha u dhow Iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa isla soo hadal qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo meel wanaagsan maraya iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland oo shirkii madasha wadatashiga Qaran u yimid ayaa maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this