Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wada-jirka iyo Soomaalinimada

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-2-1.jpeg?fit=2048%2C1724&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in cidna aanay uga carareyn Soomaalinimada.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaagga dadkeena Soomaaliyeed-na horay ayaanu u sii wadaynaa,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay sida xukuumadiisu ay diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isagoo balan qaaday inay la fariisa doonaan cid kasta oo Soomaaliuyeed oo wada xaajood diyaar u ah.

“La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalkaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garowe.

Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka inay sharciga dhowraan, isagoo ku baaqay in la wadahadlo, si gaar ah wuxuu u duray qorshaha dowladda federaalka iyo maamullada kale ay isla qaateen ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka.

Puntland oo si adag uga soo hor jeeda qorshaha socda ee wax ka bedelka dastuurka, sidoo kale khilaaf guud uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ayaa muujineysa adkeysi iyo inay ka maarmeyso la falgelidda dowladda dhexe, taas caqabad weyn ku ah dowlad dhiska dalkaan.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo isku garab siiyey doorashadii kursiga madaxweynaha qaranka ayaa kala booday markii xasan Sheekh uu Ra’iisul wasaarihiisa u xushay Xamza Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubbaland.

Deni ayaa rabay in kursiga Ra’iisul Wasaaraha la siiyo isaga ama siyaasi uu qato, balse ma noqon, wuxuuna arrintaas kula dagaalay saaxiibkiis Xasan Sheekh oo shalay ay Farmaajo isugu tageen, markii dib loo xusuusto loolankii doorashada ee May 2022.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wada-jirka iyo Soomaalinimada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this