Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov.

Duqa Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Ruushka booqashada uu ku yimid Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, Dadaalkiisa ku aadan xoojinta xiriirka labada shacab, iyo doorka Dowladda Ruushka ee garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Mikhail ayaa bogaadiyay horumarada ka socda Caasimadda Muqdisho, asigoona dhankiisa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonnaan arrimaha Bini’aadanimada, Horumarka Magaalada Muqdisho, Iskaashiga iyo isku xirka labada Caasimadood.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this