Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo Qaaday Tallabo Falcelin ah Kadib Go’aannadii Norway, Ireland iyo Spain ay Qaateen

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Israa’iil oo ka falcelinaya tillaabadii ay Norway, Ireland iyo Spain sida rasmiga ah ugu aqoonsadeen dowladda Falastiin ayaa degdeg ugu yeertay ergadeeda Ireland iyo Norway u fadhisay si ay la tashi degdeg ah ula yeeshaan.

“Maanta waxaan fariin adag u dirayaa Ireland iyo Norway,Israa’iil kama gudbi doonto arrintan aamusnaanta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz, Wuxuuna ku hanjabay in sidoo kale ay kala soo bixi doonnaan safiirkooda dalka Spain.

wasiirka maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa asna sheegay in uu joojin doono u wareejinta lacagaha canshuurta maamulka Falastiiniyiinta oo ay Israa’iil ka aruursato Daanta Galbeed, taasoo sida waafaqsan sharciga caalamiga ah looga baahan yahay in ay ku wareejiso maamulka falastiiniyiinta ee Maxamuud cabaas hoggaamiyo.

Norway, Spain iyo Ireland ayaa ku dhowaaqay in dalal badan oo dunida, gaar ahaan Yurub ka tirsani ay si cad uga fiirsanayaan in Falastiin loo aqoonsado dowlad.

Dalalka Slovenia, Malta iyo Belgium ayaana la filayaa inay todobaadyada soo socda si rasmi ah u aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, waxaana hadda si buuxda u aqoonsan 9 dal oo Yurub ka tirsan

Qaraar ay dhowaan golaha guud ee Qaramada Midoobay ka doodeen oo ku saabsanaa in Falastiin ay golaha xubin buuxda ka noqato ayaa waxaa oggolaaday 143 ka mid ah 193-ka xubnood ee uu Goluhu ka koobanyahay, inta badan Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya ayaana aqoonsan dawladnimada Falastiin.

Dalalka sanadkan aqoonsaday Falastiin ayaa kala ah Bahamas, Trinidad iyo Tobago, Jamaica , Barbados, iyo 3-da dal ee hadda aqoonsaday.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this