Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka oo Ka Qeybgalay Shir Heer Caalami ah oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa guddoomiyay Xeritaanka Shirka heerkiisu sareeyo ee heer farsamo iyo heer Wasiir ee hindisaha wadajirka ah oo lagu Horumarinayo xiriirka ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha ee xuduudaha, iyadoo la tixgalinayo hanaanka Caafimaadka Mideysan kaa soo sare loogu qaadayo amniga caafimaadka gobolka.

Shirkan oo socday mudo sadex casho ah ka Socday magaalada Nairobi ayaa lasoo gebo-gabeeyay iyadoo ay goobjoog yihiin Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu.

Sadexda Dal ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho sare u qaadidda amniga iyo Caafimaadka Gobolka, iyadoo la Mideynayo dadaalada wadajirka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee ku Qotoma hirgalinta Caafimaadka Mideysan.

Munaasabada Xeritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed Cumar Nuur iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha & Deegaanka.

Madaxda sadexda dal ayaa isku raacay in si wada-jir ah looga hortago Cudurada faafa ee xuduudaha sida sahlan isaga gudba iyadoo la hirgaliyo Caafimaad Mideysan, iyadoo Dhanka Soomaaliya ay Balan-qaaday dar-dar gelinta adeegyada aasaasiga u ah hirgalinta Qodobada ku Xusan War Murtiyeedka ay sida wada jirka ah usoo saareen Dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida dadaalada lagu wajahayo Midaynta Caafimaadka Gobolka, iyo ka hortaga Dilaacidda Cudurada faafa iyadoo kaashanaysa dalalka deriska iyo Saaxibada Caafimaadka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this