Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle iyo Taliska Ciidanka Xoogga oo Ka Shiray Sidii Shabaab Looga Saari Lahaa Deegannada ay Ku Harsan Yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii Al Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka Khawaarijta iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada deegaanka.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u rajeeyay guul naftood-hurayaasha ku howlan sidii dalka looga xorreyn lahaa Shabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this