Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Lagu Eedeeyay Inuu Basaas u Ahaa Hong Kong oo Meydkiisa Laga Helay Gudaha London

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ay booliiska dalka Britain horey ugu eedeeyeen in uu u basaasayay sirdoonka Hong Kong, ayaa meydkiisa laga helay beer ku taal duleedka magaalada London.

Booliiska ayaa baaraya sababta keentay dhimashada aan la ogeyn ee Matthew Trickett oo 37 jir ah, kaas oo meydkiisa laga dhex helay beerta nasashada ee Maidenhead ee galbeedka London.

Trickett iyo laba tuhmane oo kale ayaa ka soo muuqday isaga Maxkamadda Magistrate-ka ee Westminster 13-kii bishan may , ayagoo lagu eedeeyay dembiyo ka dhan ah amniga qaranka Ingiriiska.

Bayaan ay soo saareen qoyska Trickett oo uu daabacay wargeyska Ingiriiska ee The Times ayaa lagu yiri “Waxaan ka barooranaynaa luminta wiil, walaal iyo nin qoysku aad u jeclaayeen.”

Safaaradda Shiinaha ee UK iyo madaxa maamulka Hong Kong John ayaa labaduba si adag u cambaareeyay dhacdadan, balse wax faahfaahin ah kama bixin cidda ay ku tuhunsanyihiin.

Xariirka u dhexeeya Hong Kong iyo gumaysteheedii hore ee Britain ayaa xumaaday sannadihii u dambeeyay ka dib mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay magaalada Shiinaha sannadihii 2019 iyo 2020.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhaleeceysay howl-gallada Hong Kong ee ay taageerto Beijing ee lagu hayo kooxaha mucaaradka ah, halka mas’uuliyiinta Hong Kong ay si adag u dhaliileen Britain si ay gabaad nabdoon u siiso hoggaamiyeyaasha dimuqraadiyadda u ololeeya ee ay raadinayaan booliiska Hong Kong.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this