Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi “heshiiska aan la galnay Itoobiya waan dhamaystiraynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   
20240518_114051.jpg?resize=720%2C377&ssl

Somaliland ayaa maanta u dabbaaldetay sannadguurada 33-aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga, waxaana meelo badan oo gudaha Somaliland iyo dalalka debedda ahba ka dhacaya xaflado arrintaas ku saabsan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladda xuska 18 May waxaa uu ku dheeraday eedaymo uu u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

“Soomaaliya haddii ay nuclear hayso malaha way innagu dhufan lahayd cadhada ay noo qabaan” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay heshiiska is afgaradka ah ee la galeen Itoobiya ayaa sheegay in dhawaan ay dhamaystiri doonaan fulintiisa.

Waxaa uu sheegay in dhankooda ay wax kasta oo heshiiska ku saabsan ay dhamaystireen dhawaana Itoobiya ay dhankeeda dhamaystiri doonto.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Somaliland la galay heshiis is afgarad ah kaas oo ay ku qaadanayaan qayb ka mid biyaha badda Soomaaliya, halka Somaliland ay sheeganayso inay ka kiraysay saldhig ciidan dawladda Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biixi “heshiiska aan la galnay Itoobiya waan dhamaystiraynaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this