Sign in to follow this  
Suldaanka

Warlord Yey: Somaliland waa Argagaxiso

Recommended Posts

In a recent interview with VOA, the bed-ridden warlord Col. Yey accused Somaliland of being part of a the "Asmara based Group" and said that Somaliland was supporting that group both in kind and in material.

 

Knowing that, the two customers who buy this "Argagaxiso" card, namely Ethio and US, will laugh at this old dying warlord's remarks. If anything we can drawn from it, it is either:

 

1. He is officialy approached Asasaq-time. And this might lend credit to the rumours that his doctors had recently adviced the warlord to wear oldmen's nappies b/c he can no longer control what comes out of his behind when nature calls. redface.gif

 

2. Or is gone completely crazy. Badha-badha waa yeelan jiray boqol jir waashay :D

 

 

Either way, this is a very un-normal and desperate warlord who sees the end of the road for his phantom foreign-installed genocidical regime.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxtooyada Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalo ka soo yeedhay Hogaamiyaha Imbigaati

 

 

Hargaysa(Qaran)-Warsaxaafadeed maanata ka soo baxay madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kaasi uu ku saxeexnaa afhayeenka madxtooyada Somaliland oo loo qaybiyay saxaafada caalmka iyo ta gudahaba oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews, taasi oo loogu jawabaayo hogaamiyaha kooxda Imbigaati oo dhawaan warysi uu siiyay idaacada VOA, Qaybteeda afka Somaliga ku hadasha uu ku kaga hadlayo arimo been iyo balaayo ah oo naf la caaridnimadu ay ka keenayso, ayaa warsaxaafdeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

 

Anaga oo tix raacayna Waraysigii Toddobaadkan uu siiyay Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha Imbegati Idaacada Codka Maraykanka , Qaybteeda Afka Soomaaliga VOA iyo Telefishanka AL Jazeera , taasi oo uu handadaad u soo jeediyay Somaliland inuu weerar ku soo qaadayo haddii ay kala bixi waayaan Ciidamadooda Gobolka Sool , isla markaana uu ku tilmaamay Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

 

 

 

Marka hore maaha markii ugu horeysay ee Cabdillaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo inuu Somaliland soo weerari doono , isaga oo ku tilmaamay in arrinta gobolka Sool ay tahay mid u dhaxaysa Somaliland iyo Dawladiisa Imbegati , waxaanu leenahay Somaliland dawlad iyo shacbiba waxay diyaar u tahay in ay daafacaan dalkooda , iyada oo Somaliland aanay cidna ku duulayn , hadana ay joogto dhulkeedii iyo xuduudeedii .

 

 

 

Cabdillaahi Yuusuf Marka uu leeyahay xuduudkii Ingiriiska iyo kii Talyaanigu waxba kama jiraan , Somalilandna waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waa Been qaawan , caalamkuna wuu ka war hayaa in Shacbiga Somaliland ay gobanimadooda qaateen 26 , Juune 1960, iyaga oo markaa doortay in ay is raacaan wadankii la odhan jiray Soomaaliya oo iyana gobanimadooda qaatay kowdii July.

 

 

 

Duruufta Israaca ee wakhtigaa taagnayd waxay ku salaysnayd Shantii Soomaaliyeed ee lagu taamayay in ay midoobaan .

 

 

 

Bishii May 1991-kii , ayaa shacbiga Somaliland go’aansadeen in ay kala soo noqdaan gobonimadoodii iyo Madaxbanaanidoodii wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya , markii ay ku khasaareen Is raaca .

 

 

 

haddaba , Madax banaanida iyo gooni isu taaga Somaliland ee Mid Muqadas ah oo lama taabtaan ah oo aan cidna loo daba fadhiisanaynin.

 

 

 

Haddii Cidi xuduud Been been ah samaysay waxa weeyi Cabdillaahi Yuusuf markii uu sameeyay Maamulka ******teeniya ee uu ku magacaabay wax la yidhaahdo Puntland , intii aanu madaxda ka noqon maamulkii lagu soo dhisay Imbegati , isaga oo mar walba ku doodaya in dadka degan gobollada Sool iyo Sanaag Bari ay isu isir yihiin .

 

 

 

Somaliland waxa ay hadda joogtaa gobolka Sool oo ka mid ah dhulka Somaliland , waana la ogyahay baylahda iyo dayaca badan ee ku dhacay gobolka Sool intii uu gacanta ugu jiray Maamulka ******teeniya, hadana gobolka Sool waxa uu ku sugan yahay Nabad iyo xasilooni , isagoo maamulkiisa ay gacanta ku hayaan dadkii degaanka u dhashay, isla markaana la hir galiyay dayac tirkii adeegyadii lagama maarmaanka ahaa ee Magaalada Laascaanood , iyadoo weliba sidii Madaxweynuhu ku cel celiyay dhawr jeer laga fulin doono Mashaariic wax ku ool ah gobolka Sool Mustaqabalka dhow, kuwaasi oo ay ka mid noqon doonaan Mashruuca Biyaha iyo Caafimaadka ee laga hir gelin doono gobolka Sool.

 

 

 

Cabdillaahi Yuusuf waxa uu ku cel celiyay xil baan ummada u hayaa oo waan u dhaartay , haddaba aynu is weydiinee isaga oo Muddo yar u hadhsan tahay wakhtigiisii Muxuu u qabtay Soomaaliya.

 

 

 

Sida aynu wada ognahay Muqdisho iyo Baydhababa marka uu ka soo dagayo ama uu ka dhoofayo waxa lagu daadihiyaa gawaadhida Gaashaaman iyo Dabaabadaha .

 

 

 

Waxa kale oo uu ku dooday Cabdillaahi Yuusuf in Somaliland ay xidhiidh la leedahay kooxaha Muqaawimada ee AL Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya , taakulayna loo soo mariyo Somaliland , isaga oo taa uga dan leh Beerlaxawsiga uu adduunka u jeedinayo in ay Somaliland ay xidhiidh la leedahay Kooxaha Iska caabinta , waxase u sheegaynaa oo adduunkuna ka war hayaa in Somaliland ay tahay wadankii ugu horeeyay ee gacanta ku dhiga kooxihii xag jirka ahaa ee Al Qaacida xidhiidhka la lahaa , ka dib markii ay isku dayeen in ay waxyeelo u gaystaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka .

 

 

 

Kooxahaasi waxa la soo taagay maxkamada Somaliland wixii dambi lagu helayna Jeelasha ayay ku jiraan oo ay u xidhan yihiin .

 

 

 

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dibi hirdi badani Madaxa ayuu u dhintaa , Cabdillaahi Yuusuf Laba Arrimood ayaanu kula talinaynaa :

 

 

 

Waa ta hore in uu u hogaansamo taladii ay siiyeen dalalka caalamka ‘’International Community’’ , waa arrin isna ogyahay anaguna ka war hayno , taas oo ah inaanu Somaliland soo fara gelin.

 

 

 

Waa Ta labaade Waxaanu kula talinaynaa Cabdillaahi Yuusuf inuu daawooyinkiisa iska qaato oo uu u hogaansamo talooyinka ay siiyeen dhakhatarada Cisbitaalka Cromwell ee Magaalada London.

 

 

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

''Hogaamiyaha kooxda Imbigaati''

 

That should be the official and only title of the moron A.Yusuf :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this