Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo taageero uga raadineysa Carabta doonisteeda kursiga golaha ammaanka ee QM

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza.jpg?fit=684%2C352&ssl=1

Manama (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dalalka Carabtu ay ku garab taagan yihiin Soomaliya doonisteeda kursiga aan jogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo tartan adag ay ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyey shirka 33-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen magaalada Manama ee dalka Baxrayn ayaa geeyey qadiyada Soomaaliya ee doonista kursigaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin.

Xamza ayaa sheegay in murugo ay Soomaaliya ku hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo reer Falastiin, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa si adag uga hadlay faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday dowladda Addis-ababa, isagoo golaha ka codsaday inay arrintaas ka soo saaraan mowqif adag.

“Itoobiya wali kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyey fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ceegaaga dhulkeenna ee u baahan in la soo saaro ama si wanaagsan looga faa’iideysto, ayaa Hoggamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya, dhiirrigeliyaanna maalgashigeeda.

Madaxda Carabta ayaa Soomaaliya u balan qaaday inay ku taageerayaan doonisteeda kursiga aan jogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

The post DF oo taageero uga raadineysa Carabta doonisteeda kursiga golaha ammaanka ee QM appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this