Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka hadahadleen Xamza iyo Geelle? Xogta kulamo culus oo ka socda Baxrayn

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamsa-Xamza-iyo-Ismaaciil-Cumar-Geelle.j

Manama (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dalka Baxrayn kaga qeyb galaya Meertada 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS iyo Madaxweynaha Jabuuti, ayaa diiradda lagu saaray,  Xariirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha amniga gobolka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan doceed kula yeeshay dalka Baxrayn, Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Axmed Cabdallah Al-Ahmad Al-Sabaax.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka  iyo iskaashiga  ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ku saleysan walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait.

Kulamadaan waxaa ka sii horeeyey mid Xamsa uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan ciribtirka  kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya ummadda muslimiinta ah ee ku nool labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

The post Maxay ka hadahadleen Xamza iyo Geelle? Xogta kulamo culus oo ka socda Baxrayn appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this