Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xukunka 70 jir lagu helay labo dembi oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2024-05-16-at-5.35.42-PM.

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la hor geeyey oday 75 sano jir ah oo loo heysto maal-gelinta argagixisada Al-Shabaab, waxaana lagu riday xukun deg deg ah.

Cali Xuseen Isxaaq ayey maxkamaddu ku xukuntay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo $3,000 oo dollar ah, kadib markii lagu helay dembi ah maalgelin argagixiso iyo lacag dhaqis.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ninkaan odaga ah ee la xukumay ku soo deeyey in akoonkiisa gaarka ah Khawaarijrta loo marsiiyey lacag dhan nus milyan.

Sidoo kale waxaa ninkaan lagu eedeeyey inuu ku lugyeeshay dembi lacag dhaqis ah, Soomaaliya waxaa ka jira sharci adag oo baarlamaanku ansixiyey oo Meesha looga saarayo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in ninkaas odaga ah uu ku cadaaday dembiga loo heysto ee lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagisada ah.

Dembiyada ayaa labo loo kala qaaday, waxaana midka lacag dhaqidda uu noqday 3 sano oo xabsi ah, halka kan maalgelinta argagixsada uu noqday 4 sano, sidaas ayuu 7 sano oo xabsi ah ku muteystay odagaan 70 jirka ah.

Sidoo kale waxaa laga rabaa inuu bixiyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah, sida u uku soo baxay xukunka maxkamadda oo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan u uku dhawaaqay maanta.

Dowladda federaalka ayaa cunaqabateyn culus ku soo rogtay argagixisada, waxaana aad loola socdaa dhaqdhaqaaqa akoonada, iyadoo ciqaab adag la marsiiyo qofkii la ogaado in akoonkiisa ay lacag u martay kooxaha Khawaarijta ah.

Hoos ka daawo xukunka

The post Daawo: Xukunka 70 jir lagu helay labo dembi oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this