Sign in to follow this  
Deeq A.

70 Jir Maxkamadda Gobolka Banaadir Loogu Maxkamadeyno Maalgelinta Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli uu garsoorka dalku ku howlanyahay boqolaal gal dacwadeed oo kala duwan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir lasoo taagay oday da’da 70-tameeyada ku jira, kaasoo loo haysto eedeymo ku saabsan maalgalinta kooxda Alshabaab.

Cali Xuseen Isxaaq oo lagu eedeeyay inuu kooxda Alshabaab dhanka maaliyadda ka taageeri jiray, islamarkaana uu akoonkiisa gaarka ah lagu ugu aruurin jiray ayaa ka soo muuqday mid kamida fadhiya gar maqalka ee Maxkamadda gobolka Banaadir.

Ninkan ayay xeer ilaalinta qaranku sheegtay inuu si qorsoodi ah ula shaqaynayay kooxda Alshabaab, islamarkaana uu lacag ka badan afar boqol oo kun oo dollar, balse qareenka u doodayay ayaa tilmaamay inaysan suurta-gal ahayn in lacagta intaa la eg number-diisa telefoonka gacanta laga diro.

Ka dhageysa gar-maqalka ka dib Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in lagu Xukumay 7 sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $3000 kun oo dollar.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this