Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo caawa u baxay safar dibadda ah

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_0468.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Manama (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Baxreyn uga qeyb galaya meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta, oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa kaga qayb galayo Magaalada Manama ee dalka Bahrain.

Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo wafdi kale oo uu hoggaaminayo ay Xamza uga sii horeeyeen dalka Bahrain, isagoo sheegay inay halkaas ku soo dhoweeyeen wafdigiisa, isla markaana ay berri ka qeyb gelayaan shirkaas.

Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa sheegay in dalalka Carbeed ee madaxdooda ay shirkaas isugu imaanayaan ay yihiin 22 wadan, isla markaana shirkaan uu ku soo aaday waqti muhiim ah.

Soomaaliya ayaa berri shirkaas la tegeysa qodobo muujinaya guulaha ay xaqiijisay iyo xadgudubka Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in shirka ay ka soo bixi doonaan qodobo lagu taageerayo go’aanada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in dalalka Carabta ay Soomaaliya ku taageerayaan inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

IMG_0470.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_0469.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_0468.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xamza oo caawa u baxay safar dibadda ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this