Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Firdhiye ku soo bandhigay shirka golaha wadatashiga qaranka? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.19-PM-

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Sidoo kale Firdhiye ayaa kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta uu kala qeyb galay shirkaan ay isugu yimaadeen.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Inkasta oo Firdhiye uusan xubin ka aheyn madasha shirkan oo u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa uu shirka ka jeediyey warbixin la xiriirta deegaannada SSC.

SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad, waxaana uu Mr. Firdhiye la wadaagay madaxda shirka xaaladda deegaanadaasi iyo isbedeladdii u dambeeyay ee dhacay.

Firdhiye ayaa tan iyo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho shirar la yeeshay xubnaha labada gole ee dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana maalinta berri lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Talyaaniga.

WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.19-PM- WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.19-PM. WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.17-PM- WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.17-PM. WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.18-PM- WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.18-PM.

The post Muxuu Firdhiye ku soo bandhigay shirka golaha wadatashiga qaranka? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this