Sign in to follow this  
Deeq A.

Xujeydii Soomaaliyeed ee Ugu Horeysay Sanadka oo Gaaray Magaalada Madiina

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli maalmo koobani ay ka harsanyihiin moosimka ama amminta xajka ayay Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay gaareen magaalada Madiina ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey.

Basas waaweyn oo loo diyaariyey ayaa Garoonka ka qaaday Xujeyda, waxaana maalmaha soo socda gaari doona dalkaas kumanaan Xujey Soomaaliyeed ah, si ay u soo gutaan acmaasha Xajka.

Dowladda Soomaaliya ayaana maanta sheegtay in la fududeeyay qeymihii lacageed ee ay xujaydu bixin jireen, ayadoo wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Aw Mansuur uu tibaaxay in qidmada xajka sanadkan laga dhigay$4430, halka ay horay u ahaan jirtay$ 5230 dollar.


Xajka ayaa kamida waajibaadka uu Illaahay saaray dadka muslimiinta ah, ayadoo qofka cumrigiisoo dhan uu hal mar ku waajibo haddii uu shuruudihiisa buuxiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this