Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho maalintii labaad ka dhacday magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.jpg?fit=2560%2C1668&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa toogasho kale oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo loo gaystay qof shacab ah.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi, waxaana gaystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaa in kahor toogashada uu marxuumka diiday amar uu siiyay askariga, si uu baaro, kadibna waxaa xigtay toogashada, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka la dilay uu ka xanuunsanaa dhimirka, waxaaa maydkiisa loo qaaday xarunta dambi baarista C.I.D-da, si loo baaro kiiskiisa.

Askariga oo isku dayay inuu baxsado ayaa isna goor dambe waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada ammaanka oo soo xiray, si loo horgeeyo cadaaladda.

Waa toogashadii labaad ee ka dhaceyso caasimada, waxaana shalay sidaan oo kale askar la socotay baabuur marayay agagaarka Tarabuunka ay dileen gabar ardayad ahayd oo mareysa waddada, waxayna ka baxsadeen goobta, kadib dilkaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey, waxaana ehelladooda ay sheegeen in aanay aasi doonin maydka, inta laga soo qabanayo dambiilaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale kusoo noqday dilalka ay gaysanayaan askarta dowladda oo dhibaatooyin kala duwan ku haya shacabka ku dhaqan gudaha caasimada.

The post Toogasho maalintii labaad ka dhacday magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this