Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshaha labada sano ee u harsan iyo arrin uu billaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
441880235_883923380445469_22891859893227

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay xuska 81-aad ee maalinta aas aaska dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qorshaha dowladdiisa oo ay maanta u buuxsantay 2 sano.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inay ku dadaalayaan in 2026-ka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si dadweynaha Soomaaliyeed ay usoo doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in haatan loo baahan yahay in lasii hormariyo.

“Waxaa hadda muhiim innoo ah waaa qof iyo cod dadka Soomaaliyeed deegaano ayay dagan yihiin ha joogaan meeshooda, xittaa 4.5 hanoo ahaadaan laakiin shalay 130 oday oo sharaf leh ayaa baarlamaankii ugu horreeyay soo dhisay oo kii labaad soo dhisay kadib aan dhahnay aan rogno” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay haatan billowday shaqo ku aadan doorashada soo socota ee qof iyo codka ah, ayna siin doonaan muhimaad gaar ah.

“Sanadkan markaa nimid shaqada waxaa ka billownay sidii dadka Soomaaliyeed fursad loo siin lahaa in allaala intii kari karta ay codeyso” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sii raaciyay “Haddii uu muddo xileedkeena dhamaado waa qof iyo cod, waan rabnaa waan sheegnay shaqadeedana waa galeynaa”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay qaataan doorkooda ku aadan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashadaasi.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay u i staagaan mashruucaas si dadka usoo doortaan hoggaankooda, haddii ay tahay meesha ugu hooseeso ama ugu sarreyso xukunka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

The post Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshaha labada sano ee u harsan iyo arrin uu billaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this