Sign in to follow this  
Deeq A.

Garsoorka Dalka oo Hormar Baaxad Leh Ku Tallaabsaday Labadii Sano uu Xukunka Joogay Madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa hormar baaxad leh ku tillaabsaday guud ahaan hay’adaha kala duwan ee Qaranka, waxaana waxqabad dhab ah laga dareemay laan kasta oo adeeg Dowladeed bixisa.

Garsoorka oo kamida 3-da tiir ee ugu muhiimsan nadaamka dowladnimada, uguna horreeyay waxyaabihii uu madaxweynuhu ballanqaaday inuu wax badan ka badeli doona ayaa haatan hormarkiisu u muuqdaa sida dayax 14-aad oo aan caadku qarinka karin.

Awoodda iyo madax-bannaanida maxkamadda dalka ayaa xoogaystay labadii sanood oo la soo dhaafay, ayadoo ay laamaha caddaaladu ku dhiirateen inay dacwadu ku oogaan masuuliyiin sar sare oo dowladda ka tirsan, shirkado ajanabi ah, iyo shakhsiyaad xilliyadii hore mudnaan gaar ah lahaan jiray oo falal ay geystaan aan cidina wax iska weydiin karin.

Waxaa sare u kacday kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay hannaanka caddaaladda dalka ka dib markii ay marqaati ka noqdeen boqolaal gal dacwadeed oo ay maxkamaduhu si hufan u maareeyeen.

Waxaa halkii ugu sarreeyay gaaray xariirka iyo wada-shaqaynta ka dhexeeya laamaha garsoorka heer Federaal iyo heer gobol, ayadoo Wasaaradda caddaaladdu ay la timid qorsheyaal hor tabin leh oo lagu xoojinayo isku xirnaanta hay’adaha caddaaladda qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyada.

Sidoo kale waxaa dib loo qaabeeyay nadaamka xabsiyada dalka, ayadoo Wasaaradda iyo taliska ciidanka Asluubtu oo ay sameeyeen dhawr barnaamijyo oo lagu hormarinayo xabsiyada, sidoo kalena lagu daryeelayo maxaabiista, waxaana la meel mariyay sharciyo badan oo la xariira hannaanka caddaaladda dalka.

Waxqabadka baaxadda leh ee garsoorka dalka waxaa durbadiina laga dareemay gudaha dalka iyo dibadda ayadoo si weyn laysugu xiray hay’adaha caddaaladda iyo kuwa amniga, taasoo fududaysay in fal dambiyeed kasta oo dhaca muddo kooban looga daba tago, ka dibna ciddii geysatay sharciga la hor keeno.

Kororka awoodda iyo madax-bannaanida maxkamadda iyo guud ahaan bahda garsoorka dalku waxay daboolka ka qaadday in sarreynta sharcigu ay dalka ka hanaqaadday, waxaana cabsi iyo gabasho ku aruuray kuwii hantida ummadda boobi jiray ama xadgudubyada kale caadaystay, ayadoo ay hoos u dhacday tirada shaqsiyaadkii ku dhiirran jiray dembiyada madaniga ah iyo kuwa culusba.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaysa in hannaanka caddaaladda dalku uu dib u kabasho xoog leh sameeyay, balse weli hormarinta ayaa ku socata, tasoo ifafaaleheeda ay dadweynuhu saadaalin karaan.

Goobjoog.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this