Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Heshiis ay galeen xisbiyada Kaah iyo Mustaqbal oo la laalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa laashay heshiis ay xisbiyada Kaah iyo Muqtabal ka galeen degmooyinka Buursax iyo Xumbeys ee gobolada Mudug iyo Kaarkaar, kaddib markii ay xisbiyaddaas ku heshiin waayeen in ay wada dhistaan degmooyinkaas.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in heshiiskaas la buriyay, guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmooyinkaasna ay ku imaanayaan tartan doorasho oo xubnaha golahu dooranayaan si-xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda ayaa fartay guddoomiyaasha gobolada Mudug iyo Karkaar in ay u diyaar garoobaan doorashada degmooyinka Bursaalax iyo Xumbays, kuwaas oo wasaaraddu sheegay in ay dhawaan soo mudayn doonto xiliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka.

25 Maajo ee sanadkii hore ayay dhacday doorashada degmooyinka Puntland, waxaana weli jira degmooyin badan oo aan weli loo dhisin maamul, khilaaf jira awgiis.

442445338_854414716729905_59541042055145

PUNTLAND POST

The post Puntland: Heshiis ay galeen xisbiyada Kaah iyo Mustaqbal oo la laalay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this