Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Toogasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo loo gaystay gabar ardayad ahayd oo mareysay waddadaas, sida ay xaqiijiyeen ehellada.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey ayaa waxa ay ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xill ay marayeen Warshadda Caanaha.

Gabadhan oo 22 sano jir ahayd ayaa goobta ku geeriyootay, waxaana baxsaday askartii ka dmabeysay falkaasi, sida ay sheegeen ehellada iyo dadka deegaanka.

Nabadoon u hadlay ehellada ayaa ka warbxiyay sida ay uga dhaceen dilka gabadhooda, wuxuuna sheegay in lagu dilay meel ay Kaamirooyin ku xiran yihiin, ayna rabaan baaris.

“Gabadhaas waxay ku dhimatay meel Kaamiro leh, meel ay joogaan ciidanka dowladda, si xaq darro ah aa loo dilay, ayada oo nolosheeda cusub tahay ayaa la dilay” ayuu yiri.

Isaga oo ka warbixiyay xaaladdeeda waxbarasho ayuu sheegay in marxuumadda ay sanadkan ka qalin-jabineysay Jaamacadda Soomaaliya, balse saaka la dilay.

“Buuggeeda qalin-jebinta ayay diyaarsaneysay waxa u dhimanaa lama arko, xittaa Jaamacadeeda waxeeda way u dhameystiray” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu nabaddoonku sheegay in aysan aasi doonin maydka Muno inta laga soo qabanayo dambiilayaasha, si loo horkeeno cadaaladda.

“Hadda waxay ku jirtaa isbitaalka Madiino, la aasi maayo illaa aan ka helno gacan ku dhiiglayaashii dilay ee xabadda iska riday” ayuu mar kale yiri.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar dilal ka gaysta ciidamada dowladda, kuwaas oo ay dhibanayaal u yihiin qoysas badan oo ehelladooda la toogay ama la dhaawacay.

The post Daawo: Toogasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this