Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Arrin ka cusub kiiska SAYID-CALI oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii LUUL

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_0336.jpeg?fit=1284%2C723&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa berri go’aan kama dambeys ah ka gaareysa kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxaana aad loo sugayaa go’aanka maxkamadda.

Shalay ayaa la soo gabagabeeyey dhageysiga kiiska Sayid-cali oo markii 3-aad la hor geeyey maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, kadib markii la dhageystay eedeymaha xeer ilaalinta, difaaca qareenada iyo marqaatiyaasha.

Maxkamadda ayaa shalay weydiisay su’aalo kama dambeys ah, si ay go’aan uga gaarto kiiskiisa, Sayid-Cali ayaa bixiyey jawaabo lamid ah kuwii horay uu uga sheegay maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay.

Sayid-Cali oo ka faa’iideystay fursadii ugu dambeysay ee maxkamaddu siisay ayaa shalay codsi u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo saxaafadda, isagoo sheegay in laga been-sheegay kiiskiisa oo xaaskiisii uusan dilin.

“Waxaan idiin cadeynayaa in xaaskeygii aana dilin, waxaan idinka codsanayaa in kiiskaan aan laga been-sheegin, qofkii marqaadi cad u keena inaan xaaskeygii gubay oo cadeyn na tusa, waxaan ka balan-qaadayaa inaan ogolaa doono in la i qisaaso,” ayuu yiri Sayid-cali.

Wuxuu sheegay in marqaatiyaasha la keenay maxkamadda aysan kiiskiisa run ka sheegin, isagoo garsooraha ka codsaday in kiiskiisa uu cadaaladda ka eego inta meel iska dhigo hadallada dadweynaha.

Sidoo kale Sayid-Cali ayaa ku calaacalay in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir uu ku xukumay dil toogasho ah, iyadoo aan cadeyn loo heyn dembiga loo heysto, wuxuu sheegay in qofka muslimka ah aan lagu tooga karin dembi aan loo heyn cadeymo buuxa oo muujimaya inuu galay.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ugu dambeyntii cadaalad ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, waxaana berri lagu balansan yahay in go’aanka kiiskiisa ay maxkamaddu soo saarto.

Hadii Sayid-Cali mar kale lagu xukumo dil toogasho, waxaa u qorsheysan qareenadiisa inay racfaan kale qaataan oo kiiskaan loo gudbiyo maxkamadda saree e dalka, wuxuu noqday inta la xasuusto kiiskii ugu adkaa ee soo mara maxkamadaha dalka, waxaana la eegayaa sida ay u maareeyaan.

The post Xog: Arrin ka cusub kiiska SAYID-CALI oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii LUUL appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this