Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Sanbaloolshe iyo Ugaaska Xawaadle

Recommended Posts

Deeq A.   
442435246_931000855733188_59518433465365

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Sanbaloolshe oo Ugaaska booqasho ugu tagay ayaa hambalyo kadib kala hadlay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hawlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha oo dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka ayaa Ugaaska ka codsaday in uu dowladda ku garab siiyo dardar-gelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan dalka.

Ugaaska beesha Xawaadle ee uu maanta la kulmay Taliye Sanbaloolshe ayaa shalay waxaa lagu caano shubay deegaanka Daaro-Ugaas ee hoos-taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Sanbaloolshe ayaa tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA waxa uu laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, ayada oo sababta ugu weyn ee safaradiisu tahay raadinta inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada.

Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda.

Tan iyo markii uu dagaalka dhaafay waxaa batay jabka iyo ciidamada kasoo baxaya furimaha. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay fahamsan tahay in howl-galkan cusub aan looga maarmi karin reerkan sida ba’an u jabiyay argagixisada.

Xawaadle ayaa kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida weyn u qadariya dhaqanka, waxayna caan ku yihiin inay ka dambeeyaan, taladana ka qaataan ugaaska.

442409525_931000875733186_45578708711650

442411022_931000839066523_56135835183830

442435246_931000855733188_59518433465365

The post Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Sanbaloolshe iyo Ugaaska Xawaadle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this