Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirka ayaa waxaa ka maqan Puntland iyadoo ay ku sugan yihiin madaxda dawladda federaalka Soomaaliya madaxweyneyaasha Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka looga hadlayo xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka.

FB_IMG_1715681465610.jpg?resize=721%2C48 FB_IMG_1715681474365.jpg?resize=721%2C48 FB_IMG_1715681477012.jpg?resize=721%2C48

PUNTLAND POST.

The post Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this