Sign in to follow this  
Deeq A.

Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo qamadiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Qamadiga ayaa la isku raacsan yahay iney tahay Cuntooyinka Caafimaad ahaan ugu Wanaagsan, isla markaana Isticmaalkoodu uu Aadamnaha u Horseedo iney ku naaloodaan ka Badbaadida Xanuuno badan oo Halis oo ay keenaan Cuntooyinka kale ee intooda badan Warshadeysan.

Waa maxay Qamadi?
Qamadiga ayaa ah badarka ugu badan, kaas oo ka yimaada nooca cawska loo yaqaano (Triticum). Waa il tamar oo aad u weyn.

Wuxuu ka soo jeedaa asal ahaan Koonfurta galbeed ee qaaradda Aasiya, laakiin hadda dalagga beeraha qamadiga waxaa uu ka mid yahay kuwo ugu sarreeya oo laga beero dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin. Sida caadiga ah, beeridda qamadiga waxaa lagu sameeyaa dhul beereedka sare.

Qamadiga waxaa laga sameeyaa dhammaan noocyada kala duwan ee cuntada ugu badan oo la isticmaalo sida maalinlaha ah.

1: Yareynta Baruurta ama cayilka

Qamadigu wuxuu leeyahay Awood Dabiici ah oo Kontaroosha Buurnida Jirka Fuusha, laakiin awoodani waxey inta badan saameysaa ama u fiican tahay Dumarka. Dumarka isticmaalaa Qamadigu waxey ka Badbaadaan Baruurta Fuusha jirka, taasoo sababta Xanuuno badan oo ah Nooca aan Daawada laheyn.

2: Kobcinta isku xirka unugyada jirka

Subagga nooca Qoyan ee loo yaqaan (Saturated Fats) wuxuu kor u qaadaa Jaanisyada Cuduro badan oo Halis ah, halka Maadada Omega-3 fats, ay Hoos u dhigto Xanuunnada haleela Wadnaha, haddaba Qamadiga ayaa yareeya Subaggaas aynu kor ku soo Xusnay.

3: Ka hortagga macaanka noociisa labaad.

Qamadigu waxey Qani ku tahay Macdanta Magnesium, taasoo qeyb weyn ka qaadata Hanaanka Shaqo ee jirka Aadanaha, isla markaana si fiican uga Gelisa Maadooyinka Insulin iyo Glucose. waxeyna Hoos u dhigtaa Subagga iyo Cholesterol-ka, taas oo macnaheedu yahay iney meesha ka saarto Khatarta Cudurada aan Dawada lahayn sida Macaanka iyo Cancer-ka. Dadka qaba Xanuunka Macaanka ayey Fursad u tahay iney Sonkorta ku Kontaroolaan Cunitaanka Qamadiga.

4: Ka hortagga Kansarka ku dhaca naasaha

Guud ahaan Qamadiga ayaa u Wanaagsan Caafimaadka Dumarka. Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay ayaa Muujiyay in Qamadigu ay Qani ku tahay maadada Fiber-ka, taasoo aad ugu Wanaagsan, isla markaana ilaalisa Caafimaadka Naasaha Dumarka, gaar ahaan ka Hortagta Cancer-ka ku dhaca Naasaha.

5: Ka hortagga Xiiqda

Ururka lagu magacaabo American Lung Association ayaa sheegay in Dad ka badan 20milyan oo Reer Maraykan ahi ay Ogaadeen in Xanuunka Xiiqda ay ka Hortaggaan Cuntooyin ay ka mid yihiin Kalluunku. Sidoo kale waxey Khibrad u leeyihiin in Xanuunka Xiiqda ee ku dhaca ilmuhu marka uu yar yahay ay toos uga Hortagto Quuditaanka lagu Quudiyo Carruurta yar yar Qamadiga.

5: Ka hortagga wadno istaagga

Caafimaad ahaan Cunitaanka Qamadiga ayey Dad badan oo Adduunka ku nool u Aqoonsan yihiin inay tahay Cuntooyinka ugu fiican. Cuntadan ayaa waxa ku jira noocyada Vitamin B, kuwaasoo kala ah Thiamin, Folate, iyo Vitamin B6, iyo sidoo kale waxa ku jira Macdanaha Magnesium iyo Zinc, waxeyna dhamaantood u Wanaagsan yihiin Hanaanka Shaqo ee Wadnaha iyo Caafimaadkiisaba, waxeyna ka ilaaliyaan in Wadnuhu si Degdeg ah Shaqada u joojiyo ama u is-taaggo.

Qamadiga ayaa inta badan waxaa laga Sameeyaa Cuntooyinka Fudud oo ay Dadku Xiiseeyaan sida Keegga, Rootiga iyo Qaar kale oo badan oo ka mid ah Cuntooyinka Macmacaan.

Nafaqada ku jirto Qamadiga

Caafimaad ahaan Cunitaanka Qamadiga ayey Dad badan oo Adduunka ku nool u Aqoonsan yihiin inay tahay Cuntooyinka ugu fiican.
Qamadiga aan la sifeyn waxaa ku jira karbohaydraytyo isku dhafan, fiber cunto, iyo qaddar dhexdhexaad ah oo borotiinno ah. Sida laga soo xigtay USDA National Nutrient Database, sarreenka soo baxay wuxuu hodan ku yahay walxaha kataltikada, cusbada macdanta, kalsiyum, magnesium, potassium, koloriin, arsenic, silicon, manganese, zinc, iodine, copper, vitamin B, iyo vitamin E. Qamadiga waxaa ku badan antioxidantska, gaar ahaan maaddada carotenoids sida beta-carotene.
fae74290-11d9-11ef-b9d8-4f52aebe147d.jpg
Waxaa la ogyahay in Qamadiga uu yahay isha ugu weyn ee fitamiin B ee dhismayaasha cuntada adduunka oo dhan, waxaana ku jira fiitamiinno sida thiamin, folic acid, vitamin B6, iyo macdanta sida manganese, magnesium, iyo zinc. Iyadoo islamarkaasina ay Saliidda qamadiga ay hagaajiso xoogga, sidoo kale waxayn kordhisaa cimriga

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this