Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka ku dhintay daadadkii ku dhuftay Afghanistan oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   
656d510f-65dc-4577-b2f1-30bc7240e4a6_w10

Tirada dadka ku dhintay daadadkii Jimcihii ku dhuftay waqooyiga gobolka Baghlan ee dalk Afghanistan ayaa gaartay ugu yaraan 315, iyadoo in ka badan 1,600 oo qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda qaxootiga ee Afghanistan ayaa warkan khasaaraha la xiriira ee ugu dambeeyay ku soo bandhigtay, barteeda X oo hore loo oran jiray Twitter. Waxay sheegtay in ka badan 2,600 oo guri ay “gebi ahaan burbureen” gobolka tan iyo markii ay masiibadu dhacday kadib roobabkii lixaadka lahaa ee da’ay.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yirahdo IOM, ayaa isna ku raacay tirada khasaaraha ay soo sheegeen maamulka Talibaan ee dalkaasi Afgaanistaan ka taliya.

IOM waxay sheegtay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 300 oo qof, waxaana la filayaa inay tiradu intaa ka badato.

PUNTLAND POST

The post Tirada dadka ku dhintay daadadkii ku dhuftay Afghanistan oo korortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this