Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Dowladda ee Kenya oo Ka Qeybgalay Shir Lagu Dhiiragelinayay Dhallinyarada iyo Ganacsatada

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu dhiirigelinayay ganacsato Soomaaliyeed oo ku guuleystay tartan mashruuc dhismo waddo ah oo ay ka heleen dalka Madagascar.

Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Gabeyre aid group oo ah shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay dalka Kenya, taasoo dhowaan ku guulaysatay qabdaraaska waddo laga dhisayo Madagascar ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana ka qeyb-galay denjiraha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka ganacsiga Kenya, iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka munaasabadda ayaa ahaa in shirkaddaas lagu dhiirigeliyo guusha ay gaartay mashruuca ay fulin doonto oo ay tartan adag u soo gashay, ka dibna ku soo baxday.

Madaxa shirkadda marwo Caa’iddo Cabdulqaadir Gabeyre ayaa warbixisay mashruuca waddo dhisidda ah oo ay fulinayaan dalka Madagascar,ayadoo sheegtay inuu ka midyahay dhowr mashruuc oo ay ka hirgelinayaan dalalka Afrika, waxayna intaa ku dartay inay rajaynayaan inay kamid noqdaan shirkadaha dhismaha ee ugu waaweyn qaaradda Afrika.

Soomaalidu ayaa kaalin muuqata ku leh hormarka ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika, iyo guud ahaan dunida, ayadoo ay saameyntoodu marba marka ka dambeysa sii kordhayso.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this