Sign in to follow this  
Deeq A.

Markii ugu horeysay ayaa Kaneeco laga helay Scotland kadib markii heerkulku uu kor u kacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah noocyada kaneecada ugu caansan ayaa markii ugu horreysay laga helay meelo ka mida guud ahaan Scotland, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Glasgow.
e9a4416b-633b-4e5f-9490-381bbd670f59.jpg
Waxay Scotland ka heleen 16 nooc oo kaneeco ah, oo ay ku jirto Culex pipiens, taas oo ah mid ku baahsan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, qaybo ka mid ah Yurub iyo meelo ka mid ah Aasiya iyo Waqooyiga Afrika.

Prof Heather Ferguson oo hormuud ka ah cilmi baaristan ayaa sheegtay inay la yaabeen markii ay heleen xasharaadka oo ku sugan dhinac kasta oo dalka ah.

Waxay ka digtay in kulaylku uu horseedi karo tiro badan oo kaneeco ah, oo ay ku jiraan kuwa ka yimaada meelaha ay kaneecadu sii gudbin karto cudurrada.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku qiyaastay in ku dhawaad ​​219 milyan oo qof ay ka qaadaan kaneecada cudurka malaariyada sanad walba caalamka oo dhan, taas oo keentay in 400,000 ay u dhintaan.

Khubaradu waxa ay carrabka ku adkeeyeen in nooca kaneecada sidda cudurka duumada aanay u badnayn in laga helo UK wakhti dhow,inkastoo nidaamka digniinta ee hordhaca ahi uu yahay mid muhiima.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this