Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo dhaleeceeyey hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20240511_065909_061.jpg?resize=1000%

Imaaraadka Carabta ayaa dhalleeceeyay hadalladii dhawaan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo Imaaraadka u soo jeediyay inuu ka mid noqdo maamulka Qasa.

War qoraal ah oo uu baahiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, wuxuu ku sheegay in Netanyahu uusan lahayn wax awood sharci ah oo uu ku go’aamiyo maamulka Qasa.

Wuxuu intaa ku daray inaan Imaaraadka loo soo jeedin doonin qorshe kasta oo ujeeddadiisu tahay in gabaad lagu siiyo sii joogitaanka Israa’iil ee marinka Qasa.

“Imaaraadku wuxuu xaqiijinayaa in marka la dhiso dawlad Falastiin oo buuxisa rajada, rabitaanka iyo madax bannaanida dadka walaalaha ah ee Falastiiniyiinta, dawladda [UAE] waxay si buuxda ugu diyaar garoobi doontaa inay bixiso dhammaan noocyada taageerada dawladdaas.” Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu baahiyay.

PUNTLAND POST

The post Imaaraadka oo dhaleeceeyey hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this