Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay inuu joojinayo hubka uu siiyo Israa’iil.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa waraysi uu siiyay CNN, ku sheegay inuu Mareykanka go’aansaday inay joojiyaan hubka ay ka iibin jireen Israa’iil, haddii ay go’aansato inay ku sii socoto howlgalkeeda Rafah oo ay ku duusho aagga ay dadka rayidka ku badanyihiin. Wuxuu sheegay inay Israa’iil hubka Mareykanka u adeegsanayso inay ku disho dadka rayidka ah.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inay sare u qaadayso khilaafka Mareykanka iyo Netanyahu oo dhankiisa ku adkaysanaya inay si dhammaystiran ugu duuli doonaan Rafah oo ah halka u dambeysa ee Falastiiniyiinta ay gabaad ka dhigteen, xilligana ay gudaha u galeen taangiyada Israa’iil, halka diyaaradaha ay joogteeyeen duqeynta ay ka gaysanayaan.

Saraakiisha Israa’iil, ayaa dhanka kale laga soo xigtay haddii Mareykanka uu ku adkaysto joojinta bambooyinka la hago iyo hubka kale ee uu ka xannibay inay ku qasbannaan doonaan adeegsiga bambooyinka mamnuuca ah in lagu riddo goobaha rayidka ee Dumb Bombs.

Israa’iil ayaa duqaymo cirka dhulka ah ka wada marinka Rafah oo ah halka ugu danbaysa ee falastiiniyiintu ku barakaceen waxaana ciidanka Israa’iil ay gudaha u galeen bariga Rafah oo ay xasuuq ka gaysteen.

PUNTLAND POST.

The post Maraykanka oo sheegay inuu joojinayo hubka uu siiyo Israa’iil. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this