Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulankii ka Qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale oo ay ka Soo Qayb-galeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Nuxurka Kulankii ka Qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale oo ay ka Soo Qayb-galeen
Shan Dawladood iyo Hay’addo Caalami ah.
IMG-20240508-WA0019.jpg
Hargeysa(Qaran news)- wefti ka socdey Jamhuuriyadda Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka mid ahaayeen weftiga Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horuumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horuumarinta Jidadka Muuse Ibrahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Gebilay iyo Maamulka Tog-Wajaale, ayaa kaga qaybgalay Magaalo Xuduudeedka Tog-Wajaale mashruuca Ballaadhan oo ku saabsan Horuumarinta Biyaha, gaar ahaana biyaha Dhulka hoostooda oo loo soo saarayo Wajaale.

Shirkan oo muhiim u ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa ugu muhiimsan Mashruuca Horuumarinta Biyaha Magaalada Tog-Wajaale oo ku taalla Xadka u dhexeeya labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawladda Itoobiya, iyadoo Tog-Wajaale ay ka mid tahay meelaha lagu samaynayo Biyo ballaadhinta muddo koobana lagu hirgelinayo.

Kulankan ka qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Maamulka Soomalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya Eng. Habtamu, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Uganda, Sam Champtories, Wasiirka Biyaha Dawladda South Suudaan, Pal Mai Deng, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Jabuuti, Siciid Khayre, waxaa kale oo ka soo qaybgalay Hay’adaha caalamiga ah sida, UNDP, UNICEF, UNESCO iyo Baanka Adduunka.

Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen weftiga ka socdey Urur Goboleedka IGAD, gaar ahaana Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga labada Dawladood, sidoo kalena weftiga Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Degaanka Soomaalida, mustafe Muxumed Cumar, iyadoo labada dhinaca ay ka wada hadleen adkaynta nabadgelyada labada Dal iyo isu socodka Ganacsiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this