Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Weerarka Marinka Rafax

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa uga digay Israa’iil cawaaqibka xun ee ka dhalan kara fal kasta oo militeri oo ka dhaca Marinka Rafah, halkaas oo ah marinka kaliya ay maraan gargaarka bani’aadannimo ee gaara Gaza.

Guterres ayaa uga digay Israa’iil weerar dhulka ah oo ay ku qaado Rafah, isagoo ku celiyay baaqiisii xabbad-joojinta Marinka Gaza ee uu horay u jeediya.

war saxaafadeed uu soo saaray asagoo dhinac taagan madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella oo kula kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayuu ku sheegay in weerarka dhulka ee Rafah uu sababi doono cawaaqib bini’aadantinimo oo aad u xun oo gobolka u soo jiidaysa fowdo, iyo xasillooni la’aan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin.

Hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil ay weerar ba’an oo cirka iyo dhulka ah ku qaadday Marinka Qaza oo ah albaabka keliya ee u furan dadka reer Falastiin ee ku sugan Qaza.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this