Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DGEG:-Xamaas oo ogolaatay heshiiska xabad joojinta Qasa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xamaas ayaa oggalaatay hindisaha xabbad joojinta ee ay soo diyaariyeen dhexdhexaadiyaasha Masar iyo Qatar, sida uu madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya ku wargeliyay Ra’iisul wasaaraha Qatar iyo madaxa sirdoonka Masar, warsaxaafadeed ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay.

La-taliyaha madaxa siyaasadda Xamaas,, Taher al-Nunu ayaa xaqiijiyay faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta ay aqbaleen:

“Waxaan ku heshiinnay soo jeedin ay ka mid tahay xabbad-joojin, dib u dhis lagu sameeyo Qasa, inay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay waqooyiga Qasa, iyo sii deynta maxaabiista.”

Ma jiro weli wax jawaab ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku aadan warka ku saabsan in Xamaas ay aqbashay heshiiska.

PUNTLAND POST.

The post DEG DGEG:-Xamaas oo ogolaatay heshiiska xabad joojinta Qasa. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this