Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistan iyo Soomaaliya oo Ku Baaqay Xabad Joojin Deg Deg ah oo Laga Sameeyo Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya iyo Pakistaan oo si wadajir ah ugu baaqay joojinta dhibaatada lagu hayo Falastiiniyiinta ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Falastiin, waxayna hoosta ka xariiqeen in si deg deg ah loogu baahan yahay xabad joojinta Gaza si loo gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee dadka reer Gaza.

Hadalkaan ayaa si wadajir ah looga soo saaray kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Senator Mohammad Isxaaq Dar uu la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Jaamac, oo ka qeyb galayay shir madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Banjul ee dalka Gambia.

Kulankaan ayaa lagu sheegay in dalalka islaamka looga baahan yahay in ay qaaddaan tilaabooyinka lagu hakin karo in dhibaatada lagu haayo shacabka Falastiin ay sii socoto.

Sidoo kale Labada dhinac ayaa bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Pakistan iyo Soomaaliya, waxayna ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ganacsiga, iskaashiga dhaqaalaha iyo Fududeynta safarada labada shacabka.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen iskaashiga laba geesoodka ah ee fagaarayaasha badan oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo OIC, waxayna is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan isbeddellada kala duwan ee gobolka iyo caalamka, gaar ahaan Bariga Dhexe.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this