Sign in to follow this  
Deeq A.

Maqaal: Wax Aadan Muteysan Musuq Haku Raadin

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adaha dowladda gaar ahaan miisaska ay laamaha garsoorku ku shaqeeyaan waxaa si xoog leh uga socda boqolaal dacwadood oo la xariira boob iyo wax isdaba-marin ay shaqsiyaad kala duwani hantida dadweynaha u gaysteen, asii laga war helay oo shariga la horkeenay, aakhirona xisaab culusi ku sugayso.

Qolyahaas iyo qaar kale oo malahayga aan iimaankoodu fadhin, wax aanay xaq u lahayn inay gacantogaalaystaana u heellan ayaan doonayaa inaan u sharraxo nuxurka erayga “Risaq” oo ah mid aan boob iyo wax isdaba-marin toona lagu hannan karin ee ah wax Eebbaha Qaadirka ihi uu inagoo uurka hooyo ku jirna inoo qoray.

Erayga “Risaq) isir ahaan wuxuu ka soo jeedaa afka carbeed, nuxurkiisuna waa deeq jaad walba leh oo Eebbe inoogu talo-galay inaynu ku noolaanno intaanu arad joogno sida wixii aan cuni lahayn, carruurtaan dhali lahayn,halkii aynu ifka kaga dhaqnaan lahayn, iyo guud ahaan dhib iyo dheef wixii dharaar walba ina soo mari lahaa.

Intaas iyo kuwo aynaan koobi karinba kolkaanu afartan beri uurka hooyo ku jirnay baa laynoo qoray oo addoon Illaahay oo gef ka dhowrsooni dhigane aan weligii baaliyoobin baalkiisa inoogu xarriiqay.

Inkastoo noole kasta Illaahay wax badan ku galaday haddana Dadku aad buu ugu roonaaday oo uunka kale way ka ayaan badanyihiin, maxaa yeelay garaad iyo dhug ay wax ku weelleeyaan baa la siiyay, tubo iyo tillaabooyin haddii raacaan ay barwaaqo iyo beyddi ku mutaysan doonaanna waa loo jideeyay.

Sida ku cad dhaxal tiraabeed suubanihii “NNKH” inaga soo gaadhay cabsida iyo talo-saarashada Alle ayaa kamida waxyaabaha keena in qofka risaqa loo kordhiyo, qur’aankana waxaa muush ka ah aayado tilmaamaya in ciddii Eebbe ka baqda meel aanay ka filayn wax laga siin doono.

Meeris gabay ah oo Abwaan Soomaaliyeed lahaa baa wuxuu ahaa” Rabbi dhowrsanaantuu nimcada soo dhex mariyaa” oo uu ula jeeday ciddii illaahay ku xidhani ay mar walba barwaaqo iyo baraare ku noolaan doonto, wax kastana ay si fudud ku helayso.

Haddaba haddii aad ogtahay in cantuugo biyo ahba Allaha ka dhigee intaad nooshahay wixii aad dhuunta marin lahayd ay qoranyihiin, orod iyo dadaalna aan lagu helin wax aan Eebbe kuugu talo-galin ma daw baad u leedahay inaad dadka muslimka ah dhacdo oo xoolohooda boob iyo baad ku qaadato.

Maankii fayoobi weydiintaan wuxuu kaga war-celinayaa maya maxaa yeelay Illaahay cidna ma qadin oo waxaad maalin kasta jadiiman lahayd waad helaysaa, tubaba iyo siyaabaha rabbi Arsaaqda kuugu kordhinayona waa laguu qeexay oo inaad wax yaroo qof kale gacantiisa ku jira hunguriyayso waa laga habboonyahay.

Ayadoo laga shidaal qaadanayo dulucda maahmaahdii ahayd”calafkaa kuma seegee si xun ha u raadin” waxaa quman in layska daayo cunidda boolida iyo xadidda hantida dad weynaha, sidoo kale qolada dhaca iyo dilka shacabka meheradda ka dhigatay ee moobeelada iyo Aalaba kale sida maalin lahaa u bulshada uga qaataahi waa inay xumaantaa ka waantoobaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this