Sign in to follow this  
Deeq A.

Sadiq Khan oo mar kale ku guuleystay Maayirka magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

Sadiq Khan ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleystay xilka Duqa magaalada London, isagoo si aqlabiyad leh kaga guuleystay haweeneydii ay isku hayeen Susan Hall oo ka socotay xisbi Xaakimka Conservative Party.

Maayarka xilka haya ayaa helay 44% codadkii la dhiibtay, halka Ms.Hall ay heshay 33%, tiradda cododka guud ayaa ahaa 276,428 cod.

Intii lagu guda jiray ololihii doorashada, waxaa jiray saadaasha ku xeeran isu soo baxyada codbixiyayaasha, gaar ahaan degmooyinka bannaanka ah, halkaas oo taageerada xisbiga muxaafidka ahi ay ku xooggan tahay.

Guushiisa waxa ay ku soo beegantay iyada oo lagu jiro jawi tartan adag ee xisbiyada, iyada oo ay natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii maayarrada iyo golaha deegaanka ay jab weyb u ahayd xisbiga talada haya ee Raysalwasaare Rushi Sunak.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this