Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo kulankii u dambeeyay la yeeshay Catriona

Recommended Posts

Deeq A.   
440954620_923762343123706_87922091242292

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulankii ugu dambeeyay la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Marwo Catriona Laing oo haatan kasii tageysa shaqada.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisu ahaa sagootinta Catriona Laing, maadaama ay soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyay  Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay Soomaaliya.

Xamza ayaa haweeneydan ku amaanay sida ay u xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.

Dhankeeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Catriona Laing ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka waday gudaha dalka, kuwaas oo ku macsalaameyneysay madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay booqasho ku tegtay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada, ayada oo wada-hadallo lasoo yeelatay hoggaamiyeyaasha gobollada.

Qaramada Midoobay oo ay hay’adaheeda ka howlgalaan gudaha dalka ayaa xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn buuxda la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

440937362_923762299790377_69330819238253 440941917_923762333123707_88372443951923 440954620_923762343123706_87922091242292 441190240_923762309790376_24585361169750

The post Sawirro: Xamza oo kulankii u dambeeyay la yeeshay Catriona appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this