Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
439437912_921078530058754_76586493033994

Wisil (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ciidamada deegaanka ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.

Magaca ninka lasoo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay Farxaan Shalaange, kaas oo sawirkiisa , isaga oo indha ka xiran  ay baahisay dowladda federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa madaxii sirdoonka ee kooxda Al-Shabaab, isla markaana isaga oo sahan ahaa lagu qabtay agagaarka deegaanka Bacaadweyne oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

“Ciidamada deegaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange, ninkaan ayaa sheegay in uu sahan u ahaa Khawaarijta, waxaana lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidanka fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkan ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee aagga Bacaadweyne.

Sidoo kale ciidamada ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta soo qabashada sarkaalkaasi muhiimka u ahaa Al-Shabaab.

“Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan arrinta sarkaalkaasi ee ay maanta gacanta kusoo dhigeen ciidamada deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen deegaano badan oo dhaca gobollada dhexe ee dowlad goboleedka Galmudug.

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab waxaa soo badanayay maleeshiyaadka soo galaya gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

The post Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this