Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Hey’adda Sirsoonka Soomaaliya iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku soo gaaray.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay hormarinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo iswaydaarsiga xogaha sirdoon ee muhiimka ah.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Sirdoonka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, iyo sidii ciidanka Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka ururada xagjirka ah.

Dowladda Turkey ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarka iyo qalabaynta ciidan, iyo dhinacyada hormarka sida caafimaadka, dhaqaalaha, dhismaha, iyo arrimaha bini’aadantinimada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this