Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad ka dhan ah Israa’iil oo loo gudbiyey Maxkamadda Cadaaladda aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa maanta ka jawaabi doona dacwad ay Nicaragua u gudbisay Jarmalka, oo ku saabsan hubka uu ka iibiyo Israa’iil.

Dacwadda ayaa Berlin ku eedaysay in ay jabisay heshiiskii xasuuqa oo ay iyada lafteeda ka dhigtay qayb ka mid ah dilka dadka rayidka ah ee Qasa mid caadi ah.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sax ahayn. Waxay sheegtay in aysan wax madaafiic ah ama rasaas ah u dhoofin Israa’iil tan iyo bishii Oktoobar.

Israa’iil ayaa marinka Qasa ka wada xasuuq daran iyadoo hada qorshaynaysa inay weerar arxan daro ah ka gaysato marinka Rafah oo ku barakaceen in ka badan 1 Milyan oo falastiiyiin ah.

PUNTLAND POST

The post Dacwad ka dhan ah Israa’iil oo loo gudbiyey Maxkamadda Cadaaladda aduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this