Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweyne Geelle: Sidii dowladihii hore lugaha loo haystay, tana in lagu daro

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweyne Geelle: "Sidii dowladihii hore lugaha loo haystay, tana in lagu daro baa la doonayaa"

 

 

Burtinle-Online

Jimce, Febraayo 25 2005

 

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladiisu taageereyso rabitaanka maamulka Soomaaliyeed ee dhowaan lagu doortay dalka Kenya.

 

Madaxweyne Geelle oo u waramay idaacada BBC laanta afka Soomaaliga ayaa cadeeyay in dowladiisu diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya, marka ay labada golle ee dowladda si rasmi ah u codsadaan.

 

Madaxweynaha ayaa ka deyriyay qaabka ay u dhaqmayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida, isagoo ku tilmaamay kuwo danahooda gaarka ah u adeegaya isla markaana doonaya in ay shacabka marba meel u jeediyaan.

 

Ismaaciil Cumar Geelle oo hadaladiisa niyad jab laga dareemi karay ayaa sheegay sheegay in isaga iyo madaxweynayaasha wadamadda IGAD ay diyaar u yihiin in ay dowladda cusub ka caawiyaan wax walba oo karaankooda ah.

 

Madaxweyne Geelle ayaa dhanka kale dhaliilay go'aankii ay dowladda Kenya ku diiday in ay ka qeyb qaadato ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in Soomaaliya loo diro.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

 

 

LISTEN PRESIDENT GEELLE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this